Xir bogga

Qof weyn iyo dhallinyaro ayaa taagan albaabka guri hortiisa. Qofka weyn ayaa dhallinyarada gacanta ku haya/hab siinaya, dhallinyaraduna wax yar ayay dhoollacaddaynaysaa.

Waxyaabahan mar walba way jiraan

Markaad guurto, dadka waaweyn ee jooga guriga qoyska kale ee ilmaha lagu daryeelo ama dadka waaweyn ee jooga meesha carruurta lagu daryeelo ayaa mas’uul ka ah inay ku daryeelaan.
Waxaad leedahay xuquuq la mid ah carruurta kale, inkastoo aad guriga ka guurtay. Tusaale ahaan, waxaad xaq u leedahay inaad iskuul aado, inaad caawimo hesho haddii aad xanuunsato, iyo in lagu dhegeysto.
Haddii wax kula khaldan yihiin, waxaad la hadli kartaa hay’adda ilaalinta carruurta. Iyaga ayaa mas’uul ka ah inaad ku wanaagsan tahay meesha aad ku nooshahay.
Haweeney weyn ayaa taagan  xafiis. Gacmaheeda  jeebka ku jira, waxayna u dhoollacaddaynaysaa kamaradda.

Waxaad leedahay qof kuu qaabilsan

Dhammaan carruurta iyo dhallinyarada guriga laga raray waa inay hay’adda ilaalinta carruurta ku leeyihiin qof iyaga qaabilsan, oo ah qofka kiiska haya. Qofkaas waa inuu ku soo booqdaa oo kuu sheegaa wax kasta oo aad u baahan tahay inaad ogaato.
Waxaad xaq u leedahay inaad adigoo keli ah la hadashid qofka ku qaabilsan. Waxaad soo kaxaysan kartaa qof aad ku kalsoon tahay haddii ay sidaasi kula fiican tahay.
Haweeney weyn iyo gabar dhallinyaro ah ayaa wada fadhiya kursi . Way is eegayaan. Haweeneydu waxay gacanta ku haysaa warqad, gabadhana afkeeda ayaa furan, waxaanay u muuqataa inay hadlayso oo faraxsan tahay.
Haddii aadan fahmin sababta guriga lagaaga raray, waa in qofka ku qaabilsan kuu sharxo arrintaas.
Xitaa haddii qofka ku qaabilsan uu horey kuugu sheegay arrintaas waxaad xaq u leedahay inaad weydiiso mar kale. Hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay wax kuugu sheegto qaab aad fahmi karto Sababta aadan guriga ugu noolayn waxay ku qoran tahay dukumenti la yiraahdo go’aan kiis.

Tusaalooyin su’aalo aad weydiin karto qofka ku qaabilsan, oo ah qofka kiiskaaga haya:

  • Maxaad uga walaacsan tihiin xaaladayda?
  • Maxaan guriga u joogi karin?
  • Intee in le’eg ayaan halkan ku noolaanayaa?
  • Maxaan sameeyaa haddii aanan halkan ku qanacsanayn?
  • Goormaan la kulmi karaa waalidkay iyo walaalahay?
  • Waalidkay caawimo ma idinka helayaan?
  • Ma jiraan wax aad qorshayseen oo aanan anigu ogeyn?
  • Ma jiraan dad ogaanaya waxa aan idiin sheego?
  • Yaa iga caawin kara iskuulka?
  • Maxaan sameeyaa haddii aanan fiicnayn ama aan xanuunsado?
Gabar dhallinyaro ah ayaa guriga fadhida oo eegaysa taleefankeeda. Taleefanka waxaa ka muuqata haweeney weyn, gabadhuna waxay xiran tahay dhegaha lagu dhegeysto, sidaas darteed waxay u muuqan kartaa inay wada hadlayaan, ama inay kaliya sawir eegayso.

La kulanka qoyska iyo saaxiibbada dhow

Carruurta guriga ka guurtay intooda badan waxay xiriir la yeelan karaan waalidkood, walaalahood iyo dadka kale ee muhiimka u ah noloshooda.
Siyaabo kala duwan ayaad xiriir u yeelan kartaan. Waad is arki kartaan, ama waxaad ku wada hadli kartaan kombiyuutarka ama taleefanka.
Boor ayaa ka soo horreeya derbi leben ah oo midabkiisu yahay casaan iyo soosali. Boorka waxaa ku qoran: Waxa aad rabto waa muhiim!
Haddii ay kugu adag tahay inaad qof la kulanto, way fiican tahay inaad arrintaas u sheegto hay’adda ilaalinta carruurta. Markaas ayuu qofka ku qaabilsan wuxuu isku dayi karaa inuu ku caawiyo si arrintu kuugu fiicnaato.
Haddii aan laguu oggolayn inaad la kulanto qoyskaaga ama dad kale oo aad rabto inaad la kulanto, hay’adda ilaalinta carruurtu waa inay kuu sheegtaa sababta.
Carruurta 15 sano buuxisay waxay ka qayb qaadan karaan go’aaminta cidda ay rabaan inay la kulmaan iyo cidda aysan rabin inay la kulmaan.
Dhallinyaro ayaa fadhida kombiyuutar miis saaran, waxaana ka dambeeya daaqad.

Iskuulka

Iskuul waad aadaysaa markaad guriga ka guurto, laakiin waxaa dhici karta inaad iskuul beddesho. Marka aad u guurto meel cusub, iskuulka ayaad bilaabaysaa sida ugu dhakhsaha badan ee suurtagalka ah.
Haddii aad caawimo dheeraad ah ka heli jirtay iskuulkii hore, shaqaalaha halkaas jooga ayaa iskuulka cusub u sheegaya caawimadii aad heli jirtay. Xitaa haddii aadan caawimo dheeraad ah ka heli jirin iskuulkii hore, waxaad xaq u leedahay inaad caawimo dheeraad ah ka hesho iskuulka cusub haddii aad u baahan tahay.
Haddii aadan helin caawimada aad u baahan tahay, la hadal qof weyn oo iskuulka jooga ama qofka kuu qaabilsan (qofka kiiskaaga haya).
Qof weyn iyo qof dhallinyaro ah ayaa fadhiya miis hortiis, iyagoo is garab fadhiya. Qofka weyn waxaa hortiisa yaal kombiyuutar, gabadhuna gacanta ayay saartay kiiboodhka. Gabadhu way dhoollacaddaynaysaa oo hadlaysaa.

Macluumaadka ay dadka waaweyni kaa hayaan

Caadi ahaan waxaad xaq u leedahay inaad ogaato waxa dadka waaweyn ee kugu xeeran ay kaa qoraan. Waxaad hay’adda ilaalinta carruurta ka codsan kartaa inaad akhrido joornaalkaaga iyo qoraallada kooban ee kulamada laga qoray.
Weydii haddii ay jiraan wax aadan fahmin ama aad rabto in laguu faahfaahiyo.
Gabar dhallinyaro ah ayaa taagan buundo. Waxay farriin ku qoraysaa taleefankeeda iyadoo muusig dhegeysanaysaa. Dad ayaa gadaal maraya.

Haddii aad dareemayso dhibaato ama aadan fiicnayn

Qof walba wuu dareemi karaa inuusan fiicnayn. Sababtu waxay noqon kartaa inaad si fiican u seexanin, aad niyad-jabsan tahay, ama meel jirkaaga ka mid ah ay ku xanuunayso. Ama wax kale ayay noqon kartaa.
Mararka qaarkood dhibtu iskeed ayay iska tagaysaa. Marar kalena waxaad u baahan kartaa caawimo, tusaale ahaan inaad caawimo ka heshid kalkaalisada caafimaad ee iskuulka ama cilmi-nafsi-yaqaan. Waxaad xaq u leedahay inaad hesho daryeel iyo caawimo caafimaad haddii aad u baahan tahay. Sidaas darteed waa muhiim inaad la hadasho dadka waaweyn ee jooga meesha aad ku nooshahay, ama qofka kuu qaabilsan (qofka kiiskaaga haya).
Marka guriga lagaa kaxeeyo oo lagu geeyo meel kale, waxaa laguu soo bandhigi karaa in
Qiimeynta caafimaadka waxaa loo sameeyaa si loo ogaado xaaladaada iyo in aad u baahan tahay caawimo la xiriirta caafimaadkaaga. Macluumaad dheeraad ah halkan.
. Xitaa haddii aadan markaas dareemayn wax dhibaato ah. Qiimeynta caafimaadka waxaa lagu ogaan karaa in aad u baahan tahay caawimo caafimaad.

Haddii aadan qanacsanayn



Waxa fiican in aad la hadashid dadka waaweyn ee meesha aad ku nooshahay. Haddii taasi ku caawin weydo ama aysan kula fiicnayn, waad wici kartaa ama farriin u qori kartaa hay’adda ilaalinta carruurta.

Dhammaan carruurta guriga ka guurtay waxay hay’adda ilaalinta carruurta ku leeyihiin qof iyaga qaabilsan, oo ah qofka kiiska haya. Haddii aadan garanayn qofka ku qaabilsan, waxaad wici kartaa hay'adda ilaalinta carruurta ama waxaad weydiin kartaa qof weyn oo aad ku kalsoon tahay.

Mar walba waad la hadli kartaa qofka ku qaabilsan. Haddii aysan kula fiicnayn inaad la hadasho qofka ku qaabilsan, codso inaad la hadasho qof kale oo ka tirsan hay’adda ilaalinta carruurta.
Taleefan ayaa yaal derbi leben ah oo midabbo leh hortiis. Taleefanka waxaa ku qoran: 116 111 Alarmtelefonen.
Haddii ay jiraan wax aad ka cabanayso, waad caban kartaa. Wakiilka Dawladda ee Gobolka (statsforvalteren) wuxuu leeyahay foom fudud oo laga helo halkan iyo macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cabashadana waxaad ka heli kartaa halkan. Qofka kiiskaaga haya ayaa kaa caawin kara inaad cabasho gudbiso. Wakiilka Dawladda ee Gobolka waa hay’ad dawladeed oo ilaalisa in hay’adda ilaalinta carruurtu samayso waxa loo baahan yahay si ay carruurta iyo dadka waaweyn u caawiso.
Haddii arrintu degdeg tahay, la xiriir telefoonka degdegga ah ee carruurta iyo dhallinyarada: 116 111. Waa bilaash, wuxuuna furan yahay habeen iyo maalin.
Gabar ayaa hor taagan baaskiilka lugta iyo baaskiil kale oo kollay leh. Waxay eegaysaa taleefankeeda iyadoo muusig dhegeysanaysaa.
Bogga ung.no waxaad ka akhrisan kartaa macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan xuquuqda aad leedahay marka aad ka guurto qoyskaaga.
-

Jawaabtaada lama kaydinayo, loomana dirayo hay’adda ilaalinta carruurta ama cid kale.

Waa wax fiican 😀

Haddii aad qabto su'aalo kale, mar walba waad weydiin kartaa qofka ku qaabilsan. Haddii aadan helin lambar aad wici karto, kulanka dambe codso lambarka.

Waa iska caadi 😐

Waa nasiibdarro! Ka fikir waxa aan fiicnayn. Ma kugu adag tahay inaad xiriir la yeelato hay’adda ilaalinta carruurta? Mise kulankan oo keliya ayaan fiicnayn? Ma waxa jira wax la sameeyay ama la yiri oo aan fiicnayn?

Ma fiicna 🙁

Mar walba waad la hadli kartaa qofka ku qaabilsan. Haddii aad rabin inaad la hadasho qofka ku qaabilsan, codso inaad la hadasho qof kale oo ka tirsan hay’adda ilaalinta carruurta.
Haddii ay jiraan wax aad ka cabanayso, waad caban kartaa. Wakiilka Dawladda ee Gobolka (statsforvalteren) wuxuu leeyahay foom fudud oo laga helo halkan macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan cabashadana waxaad ka heli kartaa halkan. Qofka kiiskaaga haya ayaa kaa caawin kara inaad cabasho gudbiso.